Dhageyso:Maxkamada ciidamada DF Soomaaliya oo digniin u dirtay saraakiisha ciidamada

0
236

Muqdisho(INO)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in askarigii ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhac geysta, kadibna baxsada lagula xisaabtamayo sarkaalka uu hoostaggo.

Xasan cali
Guddoomiyaha maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute, ayaa wuxuu sheegay in askarta Dowladda ka tirsan ee dhaca shacabka u geysata lagula xisaabtamaayo Sarkaalka uu hoostaggo, hadii askarigaasi uu baxsado.
Wuxuu sheegay in Sarkaalka uu hoostaggo askarigaasi la ciqaabayo oo wixii xukuno ah lagu ridaayo, sarkaalkaasi ama laga rabo inuu keeno askariga falka dhibaatada ah u geystay shacabka.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa u digtay askarta ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhaca u geysta dadka shacabka, waxaana maxkamada ay sheegtay in Askarigii dhibaato geysta aan laga hari doonin.
Maxkamada ciidamada ayaa shalay xukuno kala duwan waxa ay ku riday Askar ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhac lagu eedeeyay.
Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here