Jabuuti(INO)-Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa waxa ay sheegayaan in wada hadal uu halkaasi ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Wada hadaladaasi waxaa garwadeen ka ahaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle,waxaana hadafka wada hadalkaasi uu yahaya sidii ay u midoobi lahaayeen Soomaliya iyo Somaliland.
Halkan Ka Dhageyso.
Maanta ayaa lagu wadaa in aqalka madaxtooyada dalkaasi ay labada dhinac ay shir jaraaid ah ku qabtaan oo ay kaga hadli doonaan waxa ay kawada hadleen.
Maanta waxaa jiri doonta wada hadalo kale oo labada mas’uul ay yeelan doonan.
Sanadii tagtay Turkiga ayaa garwadeen ka ahaa shirka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Wixii warar ah ee Kulamada labada Masuul ka so baxa waan idiin soo gudbin doonaa insha Allah.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Jabuuti.