Dhageyso: Madaxweynaha Puntland C/welli Gaas oo si layaab kaga hadlay arimaha CCC Sharma’arke

0
233

Garow(INO)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay soo xulista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo dhawaan Xasan Sheikh Maxamuud uu soo magacaabay.

Gaas

C/Welli Gaas, ayaa ugu horeyn sheegay in Mr Sharma’ake uu yahay ruuxii ugu mudnaa in loo magacaabo qabashada xilka ra’iisul wasaaraha ee xiligan, isagoo sheegay inuu wax badan qaban karo.

Wuxuu madaxweynaha maamulka Puntland sheegay in Mr Sharka’arke uu wax weyn ka badali karo xaalada uu haatan marayo dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu horumar gaarsiin karo hiigsaga sanadka cusub ee 2016.

Halkan Ka Dhageyso Codka Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland.

“Si wanaagsan ayaan usoo dhaweynayaa Sharma’arke, waxaan hubaa inuu yahay nin u qalma gaarsiin karana dalka hiigsiga sanadka 2016″sidaasi ayuu yiri Mr Gaas.

Xasan Sheikh, dhawaan soo magacaabay Cumar C/rashiid inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here