Dhageyso:Madaxweyne Xasan oo ku baaqay hey’adaha dowladda iney kordhiyaan dadaallada lagu horumarinayo dalka

0
203

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha soomaliya bmudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay hey’adaha dowladd ineey sii laba laabaan dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Xasan

Madaxweynaha oo shalay ka hor hadlayay baarlamanka ayaa sheegay in xilligan loo baahan yahay samata bixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in hey’adaha dowladdu ay ahmiyad gaar ah siiyaan amniga, si dadka Soomaaliyeed loo dareensiiyo dowladnimada.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dar daarmay in hey’adaha dowladda in ay ka fogaadaan kala qeybsanaan, wuxuuna ku boorriyay ineey si wada jir ah ugu istaagaan maslaxadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha JFSoomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here