Dhageyso: Rw Hore Ee Soomaaliya Md C/wali Sheikh oo xilka ku wareejiyay Cumar C/rashiid + Daawo Sawiradda

0
225

Muqdisho(INO)-Ra’iisal wasaaraha cusub Ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta si rasmi ag xilka ugala wareegay ra’iisal wasaarihii hore Ee Soomaaliya C/wali Sheikh Maxamed. 

Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa madaxweynaha Soomaaliya,Labada mas’uul ee xilka kala wareegayay iyo Xubnaha labada Gole ee Dowlada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbixin kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha, iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka iyo arrimaha Federaalka oo guulo waaweyn laga soo hooyay sida uu hadalka u dhigay.

Halkan Ka Dhageyso Khudbada RW Hore  Soomaaliya  Md Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Waxaan kula dardaarmayaa walaalkeey Ra’iisul Wasaaraha cusub dulqaad iyo wadashaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha dawladda, sidoo kale waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo xubnihii golaha Wasiirrada ee ila soo shaqeeyay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud fursadii uu iisiiyey in aan dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyo iyo xulashada Mudane Cumar C/rashiid” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli .

Halkan Ka Dhageyso Codka RW Cusub Ee Xilka La Wareegey Md CCC Sharma’arke.

Cumar C/rashiid oo xilka la wareegayay ayaa isagana hadalka ka jeediyay madasha isagoona sheegay inuu si wanaagsan kaga soo bixi doono howsha loo igmaday.

“Waxaan halkan uga mahadcelinaya Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdiweli Shekh Axmed iyo golihiisa wasiirrada, oo runtii soo qabtay shaqooyin badan mudadii koobnayd ee ay xafiiska joogeen, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo Xukuumadda aan soo dhisayo in ay sii xoojin doono isla markaana ay dhamaystireyso howlaha harsan” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke.

Halkan Ka Dhageyso Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh.

 


Ugu danbeyn munaasabada waxaa ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya isagoona uga mahad celiyay ra’iisal wasaaraha xafiiska baneynaya sida wanaagsan uu xilka u wareejiyay.







 

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here