Dhageyso:Taliska AMISOM oo war ka soo saaray Weerarkii Xaruntooda Ee Xalane lagu qaaday

0
207

Muqdisho(INO)-Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Cornel Cali Aadan Xumud oo Wareysi siiyay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay Weerar lagu qaaday Xarunta Ciidamada AMISOM ugu weyn ee ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Afhayeen  Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in Al-shabaab ay soo Weerareen Xalane islamarkaana ay iska Difaaceen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugida Soomaaliya.

cali-xaamud

Cornel Xumud ayaa ka gaabsaday in uu ka warbixiyo Khasaaraha ka dhashay Weerarka maanta lagu qaaday xarunta Xalane,isagoona sheegay in ay gadaal ka soo gudbin doonaan Khasaaraha.

Halkan Ka Dhageyso Codka Cornel Xaamud.

Xarunta Xalane oo ku taala Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa ah mida ugu weyn Ee AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here