Baydhabo(INO)-Ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo ayaa manta qaaday howlgalo xoog leh oo ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada, laguna baadi goobayo cidii ka dambeysay dil xalay magaaladaas loogu geystay mid ka mid ah culumada magaaladaas oo aad looga yaqaanay gobalada Baay iyo Bakool.
Dilka wadaadkan oo dhacay habeenadii xalay, xili laga soo baxay Salaadii Cishaha laguna dilay iridka hore ee Masjid kuyaala Baydhabo ayaa qeyb ka ahaa dilalka qorsheysan ee ka dhacayey magaalada Baydhabo.
Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Baydhabo Col, Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay hayaan shaqsiyaad ay manta qabteen, oo lagu tuhmayo in ay yihiin kuwii ka dambeeyey dilkaas.
Col, Mahad ayaa sheegay in ay baarayaan dadkan oo ay sharciga marin doonaan, isagoo tilmaamay in looga baahan yahay dadweynuhu in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo