Wasiirka Diinta&Awqaafta Ee KG Soomaaliya Oo Faah Faahiyey Balan Qaadkii Safiirka Turkiga

0
198

Baydhabo(INO)-Safiirka wadanka turkiga u fadhiya dalkan soomaaliya Olgan Bekar, ayaa shalay booqday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Safiirka ayaa socdaalo ku kala bixiyay goobo dhawr ah oo ay kamid yihiin madaxtooyadii hore dawladii kumeel gaarka ahayd iyo xafiisyadda burbursan ee hadda ladoonayo in ay ku howlgalaan maamulka cusub ee Koonfur Galbeed Soaamliya.

Axmed Muxumad Macalin Barre wasiirka diinta iyo awqaafta Ee Dowlada Konfur Galbeed Soomaaliya ayaa U sheegey Warbaahinta  wax yaabaha uu safiirka turkiga u balanqaaday Dowladaasi,  isagoona tilmaamay in balanqaadyo fara badan oo mashruucyo dhismeedyo ah  uu ubalanqaaday safiirku.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada koonfur Galbeed, ayaa horey ubalanqaaday in guud ahaan shacabka kudhaqan maamulkaasi uu ka haqabtiro doono  wax alaala wixii ku saabsan adeegyada bulshada iyo hormarinta goboladaasi isaga oo la kaashanaya wadamada fara badan oo caalamka katirsan.

Ugu Dambeyntii waxaana hadda Dowlada turkiga ay goboladaasi ubalanqaadeen dhismaha wadooyinka iyo guud ahaan xarumaha adeegyada bulshada waxaana talaabadaa ku farxay masuuliyiinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here