Dhageyso:Ilka Xanaf oo furka tuurtay kana hadlay sirta doorashada dadban..

0
174

Muqdisho(iNO)- Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee Dowladda Somalia Abuukaate Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay iney qaladaad badan ka jiraan doorashada guud ahaan dalka ka socda.

Wuxuu sheegay Mr Ceydiid in wax laga xumaado ay tahay in la iska dhega tiro qoraalkii ka soo baxay ra’iisal wasaaraha Somalia oo ku aadanaa in doorashada dadka ka soo jeeda Gobolada waqooyi lagu qabto Xarunta Xalane si aysan u dhicin wax masuq maasuq ah.

Maalin ka hor inteysan doorashada Somaliland ka bilaaban Muqdisho ayay Odayaasha dhaqanka gobolada waqooyi ay codsadeen in doorashadooda lagu qabto Xalane si aysan wax isdaba marin u dhicin

Dhan kale,Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kuraasta dadka ka soo jeeda Gobolada waqooyi,wuxuuna carabka ku dhuftay in qolada ka hor istaagtay inuu tartamo ay yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare ayaa baaq u jeediyay madaxda Dowladda Soomaaliya oo ku aadan in dalka laga leexiyay wadada qaldan uu ku socdo.