Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhageey ayaa ka hadlay wararka sheegaya in aan loo dhameyn doorashada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Abuukate Cumar Dhageey in doorashada iminka ka socota Dalka Soomaaliya ay tahay mid loo wada dhan yahay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in beel ka maqan aysan jirin doorashada isla markaana dhamaan dadka ka qeyb galaya ay yihiin dad wada qanacsan.