Dhageyso:Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii afka ahaa ee Donald Trump uu ku qaaday Somalida Mareykanka

0
191

Muqdisho(INO)- Iyadoo Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka dhawaan weerar afka ah uu ku qaaday dadka Somalida ah ee ku nool dalka Mareykanka, kadib markii Wiil Somaliyed uu weerar ka geystay Jaamacada Ohio University, ayaa Madaxweyne Xasan wuxuu ka hadlay arintaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay Donald Trump inuusan waxba ka sheegin dadka Somaliyed, balse uu wax ka sheegay dad haysta dhalashada dalka Mareykanka, balse asalkooda uu yahay Somali.

Waxa uu sheegay dadka Somalida ah ee degan dalka Mareykanka inuu masuul uga yahay Somalinimada, balse qadiyadaha Mareykanka ee Donald Trump uu ku weeraray Somalida inuusan taasi masuul ka aheyn oo ay tahay arin Mareykanka u taal.

“Arintaas wax badan ayaa la iska weydiiyay waxaan rabaa inaan cadeeyo hal mid dabcan isku xirnaanta Somalida iyo dhiiga aan isla leenahay aad ayuu muhiim u yahay, laakiin dadka Somalida ah waxaan rabaa inay hal mid gartaan Donald Trump dadka uu wax ka sheegay horta waa koow dad Mareykan ah waa Somali, balse waa Somali Mareykan, qadaayaadka America ka jira dhexdeeda ayuu wax uga sheegay Somalida, Somaliya degan iyo dalkaan wax kama sheegin, kuwaas Somalinimada ayaan masuul uga ahay, laakiin Somalida uu wax ka shegay dadka madowga ah ayuu wax ka sheegay howshaas howl oo Mareykanka dhexdiisa ka jirto waaye.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siinaayay Tv-ga Jubbaland ayaa sheegay Dadka ku nool Jamhuuriyada Federalka Somaliya inuusan Trump wax ka sheegin.

Donald Trump ayaa tan iyo markii uu ku guda jiray ololaha Madaxtinimada dalka Mareykanka, waxa uu weerar afka ah ku haayay dadka Somalida ah ee ku nool dalkaasi Mareykanka oo qaarkood uu ku tilmaamay inay gacan saar la leeyihiin Xoogaga Daacish.

Halkan Ka Dhageyso