Dhageyso:Guddoomiyaha Deegaanka Jazeera oo Qiray in Dhul Boob Uu Ka Socdo Deegaankaasi

0
214

Jazeera(INO)-Maamulka deegaanka Jazeera ee Gobolka Shallaha Hoose ayaa daboolka ka qaaday jiritaanka boob ka soconaya deegaankaasi.

kgs

Guddoomiyaha deegaankaasi Muxudiin Axmed Cabdulle ayaa sheegay in hantida dadka shacabka ah ee deegaanka Jazeera ay dad kale boobayaan.

Wuxuu qiray in amni xumo ay ka jirto deegaanka Jazeera, oo isaga shaqadiisa xataa ay saameyn ku yeelatay dhibaatada ka jirta deegaankaasi.

Ciidanka Millateriga ayuu ku eedeeyay dhibaatooyinka ka jira deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, wuxuuna dowladda ugu baaqay in amni darrada ay wax ka bedasho.

Hakan Ka Dhageyso

Idale News Online, Jazeera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here