Cabsi Dagaal Oo Ka Jirta Magaalada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
236

Marka(INO)- Xaalada magaalada Marka ee Xarunta gobalka Shabeelada Hoose ayaa kacsan, markii ay halkaas lagu dilay siyaabo kala gedisan dad kala duwan, isla markaasna kala ah maleeshiyo horay ugu dagaalamay magaalada.

marka

Aanooyin Qabaa’il ayaa lagu sheegay dadka la dilay, waxaana ilaa hada magaalada lagu dilay siyaabo kala gedisan afar ruux, waxaana labo kamid ah oo hubeysnaa lagu dilay magaalada bartamaheeda.

Gudoomiyaha magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa sheegay in ay dhinacyada beeluhu hub urursi ku jiraan, ayna dhici karaan saacad kasta isku dhacyo dhexmara labada dhinac.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in ay ku jiraan dadaal ah sidii loo xalin lahaa colaadan, isla markaasna magaalada dagaal ka dhaca looga baajin lahaa, ayna dhinacyada oo dhan hada wada hadal kula jiraan.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here