Xildhibaan Nuur farax oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaaliya ayaa sheegey in gobolada dalka ay ka jiraaan abaaro daran loona baahan yahay in gurmad dag dag ah lala gaaro Shacabka halkaasi ku dhaqan.
Halkan Ka Dhageys
[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/22078.MP3|Autostart=yes]Xildhibaanka waxa uu sheegey in gobolada sida daran abaarta ay u sameysay uu ku jiro gobolka Gedo iyo deegaano hoos taga Gobolkaasi.waxa uu tilmaamay in ay jiraan Gobolo kale o ay ka jiraan abaaro sida Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud.
Waxa uu ugu baaqay Beesha iyo Dowlada soomaaliya in gurmad dag dag ah la gaarsiiyo Dadkaasi dhibaateysan, waxa uu Eedeyn u jeeediyay beesha caalamka in ay laso daahdan gurmad gaarsinta gobolada ay Abaaruhu ka jiraan.
Gobolka Gedo ayaa Mudooyinkaan dambe waxa uu ka mid noqday Gobolada ay Abaartu saameeyeen, waxayna Dowlada horay u shaacisay in ay Gurmad Gaarsiinayaa dadka ku dhibaateysan Gobolada Dalka oo ay sameysay abaartu.
Idale News, Online, Muqdisho