Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Somalia C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa soo bandhigay Labo gabdhood oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu qalday fiisooyin been abuu ah oo dalka Ugandha ay ku geli rabeen, waxayna gabadhanai lagu qabtay Kenya.
Kenya oo usoo gudbisay garoonka Muqdisho ayaa waxay ujeedadoodu aheyd in ay kaga sii gudbaan Kenya dalka Ugandha, kadibna marka ay tagaan Kampala uu halkaasi kasii qaadi rabay Muqalas geyn lahaa dalka Masar oo qoysaskooda ay ku nool yihiin.
Gabdhahani ayaa sheegeen in aysan waxba kala socon been abuurka fiisooyinkan, hase ahaatee lagu qalday, waxayna tilmaameen inay aad ugu xun yihiin.
Idale News Online, Xafiiska Muqdisho.