Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha Website-yada, kaasi oo ahaa inuu khilaaf ka dhex-tagan yahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Halkan Ka Dhageyso.
[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/22090.MP3|autotart=yes]
Isaga oo ka hadlayay kulan uu la qaatay Jaliyada Soomaalida ee dalka Uk, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay wararka noocaasi ah kuwa been abuur ah oo ay baahiyeen websiteyada.
C/wali Sheekh ayaa ku waramaayo in hanaanka Dowladnimo dalka Soomaaliya uu yahay mid si wanaagsan u socda, Shacabka Soomaaliyeed ee dibada ku sugana ay iska daayaan aqrinta wararka lagu qoro Websiteyada Been abuurka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay inay jiri karaan kala feker duwanaansho, maadaama dadka aysan isku maan aheyn, laakiin hadafka laga wada duulaayo uu yahay u shaqeynta shacabka Soomaaliyeed.
Idale News, Online, london.