Dhageyso: Tuhun iyo kala shaki durbada soo kala dhex galey ergada shirka Jubooyinka & Dowlada Federaalka ee maanta shirka uga furmay Muqdisho

0
202

Muqdisho Waxaa Maanta lau wadaa inuu ka furmo Shir Markiisii Seddexaad Shalay Baaqday oo looga hadlayo Qilaafka ka jira gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, kaas oo loogu magac daray Shirka Aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkan Wuxuu qeyb ka yahay heshiis dowlada Somalia iyo Maamulka Jubba ay kusoo kala saxiixdeen Magaalada Adis Ababa ee Dalka Ethiopia , Inkastoo Dhowr Jeer uu Qabsoomida Shirkaan uu hakad ku yimid Qilaaf taagnaa awgiis hadana Maanta ayaa qorshuhu uu yahay inuu si rasmi ah uu u furmo.

Dhageyso walaac ay shirka ka muujiyeen qaar ka mid ah ergadii Jubba [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/walaacshirkaMuqdisho.mp3]

Waxaa iminka Muqdisho ku sugan Ergooyin kala Matalayay Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubba, waxaase Durba Qeylo dhaan ay kasoo yeertay Ergada Maamulka Jubba u matalaya Shirka , oo Sheegaya in dowlada Somalia ay ku dhaqaaqday qilaano .

Cabdi Ibrahim Cabdi waxaa Xildhibaan Hore uga tirsanaa dowladaii KMG aheyd iminkana ah mid ka mid ah Ergada Kismaayo ka timi ee Maamulka Jubba Matalaya, Warbaahinta ayuu u sheegay in hadii Tuhun ay qabaan uu run noqdaahi inay ka baxayaan Shirka Gabi ahaan .

Wuxuu sheegay in dowlada Somalia ay si cad u sheegtay isla-markaana lagu heshiiyay in dhankeeda Ergada ka imaanaya ay yihiin 50 Xubnood Balse Dhanka Jubba kuwa ka imaanaya ay yihiin 100, sidaasina lagu heshiiyay .

shirka_juba shirka_juba_2 shirka_juba_4

Heshiiskan ayuu sheegay in Xitaa QM loo gudbiyay, Balse wuxuu sheegay in Markii Muqdisho ay yimaadeen inay arkeen Ergo ka badan kusii lagu Heshiiyay waxaana uu sheegay in Hadii ay S i rasmi ah u cadaato inay Ergada ka badan yihiin 50 Xubnood gabi ahaan shirka ay isaga bixi doonaan .

Dowlada Somalia wuxuu ka dalbaday adkeynta iyo dhowrsita Qodobada ay kusoo wada heshiiyeen  si wax waliba xal buuxa looga gaaro.

Si kasto Shirka Arimha Jubbooyinka ayaa lagu balan sanaa inuu si rasmi ah u Furmo Shalay hayeeshee Dib u dhac ku yimid Ergadii Kismaayo ka imaneysay ayuu U baaqday , waxaase lahu wadaa inuu Maanta Si rasmi ah u Furmo.