Macalinka 1-aad ee xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayaa maanta shaaca ka qaaday liiska kama dambeysta ah ee xulka qaranka Soomaaliya oo ka qeyb geli doona tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhici doona dalka Kenya inta u dhexeysa 27-ka November ilaa iyo 12-ka December ee sanadkan.
Qoraal rasmi ah oo uu maanta soo saaray macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayuu ku soo bandhigay magacyada 29 cayaaryahan oo ku jira liiska kama dambeysta ah ee uu usoo xushay in ay Soomaaliya ku matalaan tartanka CECAFA Senior challenge cup, kuwaas oo in muddo ah tababar qaadanayay siina wadi doona tababarka tan iyo inta ay cayaarahaas qaramada ka aadayaan.
“Kani waa liiska kama dambeysta ah ee cayaartoyda Soomaaliya ku matali doonta tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika—-29-kan cayaryahan ayaa nasiib u yeeshay in ay qaranka matalaan sanadkan”ayuu qoraalkiisa ku sheegay macalinka 1-aad ee qaranka Soomaaliya Macalin maxamed Cabdulle Farayare.
Macalinka qaranka Soomaaliya ee loo yaqaano Ocean starsMaxamed Cabdulle Farayare ayaa waxaa macalin ku xigeen u ahaan doona Macalin Maxamed Cabdullaahi Abuukar (Taako). Labadan macalin ayaa ahaa macalimiintii hogaaminayay xulka qaranka ee U-17-ka sanadkii hore.
Macalin farayare ayaa ka mida macaliminta ugu badan ee hogaamiyay xulka qaranka waxaana uu ka mid yahay khubarada dhinaca tababarenimada ee ku jira liiska (CAF national course directors).
Magacyada liiska xulka Qaranka Soomaaliya ee uu Macalin Farayare maanta ku dhawaaqay hoos ka aqriso.
No |
Names |
01 | Jibril Hassan Mohamed |
02 | Saa’id Salah Hussein |
03 | Deeq Abdullahi Nur |
04 | Ahmed Abdullahi Moallim |
05 | Ahmed Abdulkadir Dayib |
06 | Muhsin Sharif Abdalla |
07 | Hassan Ali Roble |
08 | Hassan Hussein Ibrahim |
09 | Baasi Mohamud Bana |
10 | Adil Nur Ali |
11 | Mahmoud Abdi Nur |
12 | Daud Abdullahi Hassan |
13 | Adan Hussein Ibrahim |
14 | Mohamed Hassan Ali |
15 | Ahmed Osman Abdulle |
16 | Mahad Mohamed Haji |
17 | Said Mohamed Sheekh |
18 | Hassan Sidow Hilowle |
19 | Hamsa Mohamed Muqtar |
20 | Bile Mohiyadin Burale |
21 | Dadir Amin Ali |
22 | Shafi’i Abdi Farah |
23 | Mohamed Tahlil Shidane |
24 | Abdishakur Mahmoud Mohamed |
25 | Mohamed Nur Abdi |
26 | Yasin Ali Egal |
27 | Mohamed Abdi Hayow |
28 | Sidi Mohamed Omar |
29 | Ahmed Tahlil Ali |
Idale News Online, Scuola Polizia, Muqdisho Somalia