Dhageyso: Suldaan Warsame Ibrow oo ka waramaayo shirarka Digil iyo Mirifle ee Baydhabo iyo Muqdisho ka socda meesha ay marayaan

0
207

Kulamo isbada jooga ayaa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo uga socda beelaha Digil iyo Mirifle kaasoo ay kaga arrinsanayaan siyaasada dowlada ee dhinacyada Maamulada Gobolada, hirgelinta sharciga cusub ee maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka dalka iyo heshiiskii dhowaan Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ku gaareen Addis Ababa

suldaanwarsame

Suldaan Warsame Ibrow oo ka mid ahaa  oday dhaqamadeedyadii ka qeyb ahaa shirarkaas ka socda magaalada Muqdisho oo ka waramaaya meesha uu maraayo kulanka iyaga  iyo xildhibaanada  Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in lagu go’aasnsadey in dhowaan la tago magaalada Baydhabo si go’aan mid ah oo danta dadka iyo deegaanada Digil iyo Mirifle  ku jirto loo soo saari lahaa halkaas..

Suldaanka ayaa ku taliyey inaan loo baahneyn eedeyn iyo wax dadka sii kala geynaaay balse loo baahan yahay in wadajirka Beelaha DM iyo badbaadinta deegaanadooda laga shaqeeyo.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Suldaan Warsmame Caliyow IBROOW

[audio:http://daafeet.com/wp-content/uploads/2013/09/warsame.m4a]

Sidaanka ayaa sidoo kale wareysigiisa uga hadley shir kale oo  Muqdisho ka furmey oo looga hadlaayey Geedi Socodka Siyaasada Soomaaliya iyo Higsiga 2016 kaasoo uu joob joog ka ahaa furintaankiisa.

Idale News Online Mogadishu