Kooxda Real Madrid ayaa soo iibsatay xidiga u dhashay dalka Wales Gareth Bale, kaasoo maanta ay u soo bandhigayn in ka badan 25-kun taageerayaal ah, iyadoo la siiyay ciyaaryahanka Funaanada Nambarka 11aad oo uu kooxdiisa cusub ee Real ugu ciyaari doono.
Bale ayaa kaga soo wareegay kooxda Tottenham ee dalka Ingiriiska Aduun lacageed oo gaaraya 86million oo Pound ah.
Ciyaaryahanka ayaa maray tijaabada caafimaadka, waxaana Gudoomiyaha Kooxda Real Madrid Florentino Perez iyo isaga ay isla qabteen Fanaanada Real ee nambarkeeda yahay 11, waxaana uu ciyaaryahanka uu si layaab leh ugu hadlay Luqada Spanish-ka, wax yar kadib markii uu ku khudbeeyay luqada English.
Gareth Bale ayaa sheegay in mid ka mid ah riyadiisa ay aheyd inuu ku soo biiro Real Madrid, isagoo dhukaday fanaanada uu ugu ciyaari doono, waxaa uu sheegay inuu rajeynayo in guulo uu la qeybsado.
24-jirkan reer Wales ayaa ka dhinac ciyaari doona Cristiano Ronaldo oo ahaa ninka ugu qaalisanaa Aduunka, balse isla rikoorkaas uu jebiyay, waxaana mar uu hadlay uu sheegay in Ronaldo uu ka madax yahay Real Madrid.
Suuqa Kala iibsiga ciyaartoyda Yurub ayaa ah saacadihii u dambeeyay oo albaabada loo laabayo, waxaana laga yaabaa inay dhacaan heshiisyo layaab ah oo lagu soo iibsado ciyaartoy muhiim ah, waxaana Kooxda Arsenal ay sameysay arrin layaab ah markii 45 million euro ku soo iibsatay Mehsut Ozil oo Real Madrid ka soo qaadatay.