Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada khudbad toos ah ka jeedinaya hoolka shirka qaran uu ka socdo ee Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho.
Mahadcelin iyo bogaadin ergada ka qeybgalaysa shirka kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu guda galay khudbada uu ugu talo galay inuu ka jeediyo shirka.
Khubada oo goordhaweyd lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in Dowladiisa waxyaabo badan ay uqabsoomeen halka inbadana ay dhiman yihiin.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobta ka sheegay inuusan dooneyn ka sheekeynta waxyaabaha Dowladda Soomaaliya uqabsoomay maadaama ay yihiin wax iska muuqda Dowladda intii ay jirtay waxa ay ku guuleesatay.
Wuxuu ka hadlay himilooyinka sanadka cusub Dowladda Soomaaliya ay tiigsaneyso iyo qorshayaasha badan ee Dowladda Soomaaliya horyaala oo la doonayo in 3-sano ee Dowladda uhartay ay ku gaadho.
Idale News Muqdisho