Dhageyso: Shirkii Dib U Heshiisiinta Magaalada Baydhabo OO Hakad Galey, Sababtu Maxay Tahay?

0
189

Waxaa hakad galay shirkii dib u heshiisiinta Bulshada degta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka dhawaan ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Halkan Ka Dhageyso.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/22101.MP3?_=1|autostar=yes]

Sababta uu shirkaasi u baaqday ayaa lagu sheegay inay tahay ka dib markii ay ka qeyb gali waayeen Odayaasha iyo waxgaradka la doonayay ina shirkaasi ka qeyb galaan,iyagoona u aaneeyay arintaasi shirka ka furmay magaalada Kismaayo oo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa Idaacada Risaala u xaqiiyay in wali hakad uu ku jiro Shirkii ay ku baaqeen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogoominayay oo mudo 16-cisho ah ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

shirkaBaydhaba3

Idale News, Online, Baydhabo.