Garowe(INO)- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Maamulka Puntland in uu u diyaar garoobay sidii Daacish ay uga qabsan lahaayeen Degmada Qandala.
Waxa uu sheegay waqti badan in ay ku qaadatay diyaarinta iyo tababarida Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaas oo la dagaalamaya Daacish.
C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan Howlgal Shabaab looga saarayo Degmada Qandala.
Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ku soo aadaya xilli ururka Daacish Degmada Qandala ay heystaan ku dhowaad mudo bil ah.