Baydhabo(INO)- Madaxwaynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabiley koox warfidiyeeno ah kuwaaso ka kala socodey Telefeeshinka Caalamiga ah ee CNN oo xaruntiisu tahay Dalka Maraykanka, Idaacada BBC-da, Wakaalada Wararka Faransiiska Ee AFP , Wakaalada wararka Reuters iyo kuwo kale oo badan.
Madaxweynaha ayaa ugu horaynba bilaabay ereyo uu ku soo dhawaynaayo warfidiyeenada, waxaanu sheegay in u mahadcelinaayo Wakaaladaha iyo Talefeshinada Caalamiga ee Soo jiitey, Xasiloonida, Horumarka iyo Doorashooyinka Ka Socoda Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay inay ka soo hadlaan.
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dhinaca nidaamka dawladnimo.
“Koonfur Galbeed Waxay ka soo kabaneysa Xasilooni dorada, waxaa caqabad nagu haayo Al shabaab, waxaa ku rajo weynahay in aad dunida u sheegi doontaan, waxa wanaagsan ee aad naga aragteen mudadan Kooban ee aad ku sugnan tihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya , haddii aad tihiin warfidiyeenkan KGS soo booqday”. Ayuu yiri. Shariif Xasan.
Ugu dambeyntii, Warfidiyeenadan ayaa Degaanada Koonfur Galbeed Somalia ka diyaarin doona barmaamijyo ay kaga hadlayaan Arimaha Doorashooyinka Aqalka Hoose Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Barnaamijyo kale.
Halkan Ka Daawo Sawiro