Dhageyso: Sadex Ruux Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaanyo

0
162

Kismaanyo-(INO)-Qarax laga maqlay xaafadaha magaalada Kismaanyo ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose, Qaraxa ayaa ka dhacay goob Maqaayad ah oo ku taala Bartamaha Magaalada.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo ka dhacay Maqaayad u dhaw, Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalo Maxkamada Gobalka iyo Bangiga dhexe ee Magaalada Kismaayo, Maqaayada Qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa inta badan iskugu yimaado Dhalinyaro kuwaas oo ku Ciyaaro Dublada iyo Laadhuga.

Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland Jaamac Xasan Axmed, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay qaraxa inuu waxyeeleeyay dad rayid ah, balse aysan wax ku noqon ciidan Maamulka ka tirsan.

Halkaan ka dhegeyso Afhayeenka Jubbaland.