Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqan iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo Wareysi uu uga hadlayo dagaalka Sh Hoose siiyay Idaacada Kulmiye ayaa waxaa uu ugu horeyn Baaq Nabadeed u jeediyay Beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya waxaana uu u soo jeediyay in ay dagaalka joojiyaan oo ay Nabada qaataan isla markaana ay wada hadal ku dhameeyaan waxa u dhaxeeya .
Halkan Ka Dhageyso:
[audio:http://radiokulmiye.com/knn/wp-content/uploads/2014/06/nabadoon-xaad.mp3|autostart=yes]Nabadoon Xaad ayaa waxaa uu sheegay in Dagaalkaas hurinayaan dad ka baxsan dadka Degaanka oo Markaas doonaya in Gobolka Sh hoose uusan dagin isla markaana dano Gaar ah leh kuwaas oo uu sheegay in marnaba aysan Dan u ahayn bulshada Gobolkaas loona baahan yahay in ay ka tanaasulaan oo ay nabada qaataan .
Gudoomiye Xaad ayaa waxaa uu uga digay Dadka Dabka dabka hurinaya in ay sii wadaan isagoo u soo jeediyay in hadii ay sii wadaan ay dhici doonto in Toosh wayn lagu shido oo ay hadaba Odayaasha dhaqanku ogyihiin sidii ay banaanka u soo dhigi lahaayeena.
Idale News Online, Muqdisho.