Afhayeenka jaaliyadda gobolka Shabeelada hoose ee Waqooyiga Yurub mudane Cumar Cali Axmed ayaa waxa uu ku eedeeyay in dagaalka ka socda gobolka Shabeelada hoose uu yahay mid la doonayo in lagula wareego gobolkaas oo ay qabsadaan beelo kasoo duulay gobolo kale.
Halkan Ka Dhageyso.
[audio:http://daafeet.com/wp-content/uploads/2014/06/cumareey2.mp3|autostart=yes]Afhayeenka ayaa sheegay in hubkii magaca dowlada Soomaaliya lagusoo helay loo adeegsanayo dadka gobolka laguna xasuuqayo balse waxa uu sheegay inaysan dagaalka joojin doonin inta ay gabari ka nooshahay.
Cumar Cali Axmed, afhayeenka jaaliyadda gobolka Shabeelada hoose ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan, xildhibaan Xaaf iyo shirkada Barakaat ay qayb weyn ku leeyihiin dagaalada ka socda gobolka Shabeelada hoose.
Mar uu afhayeenku ka hadlayay dadka gobolka dega ayaa uu sheegay in waxa hada dagaalamaya ay yihiin oo kaliya ciidamada beesha Biimaal balse beelaha kale sida beesha Digil ay raali ka noqotay in xoog lagu haysto dhibaatooyina loo geysto isaga oo ka codsaday beesha Digil iyo Toban iyo labada Koofi inay ka qayb qaataan dagaalka loogasoo horjeeda beelaha hayaanka ah ee duullaanka kusoo qaaday gobolka.
Idale News Oline, Waqooyiga Yurub.