Baydhabo (INO)—Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Shirka Madasha Wadatashiga uu marayo meel wanaagsan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa ka warbixiyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Madaxweyne Shariif Xasan oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa waxuu sheegay in Shirka Madasha Wadatashiga Qaran uu marayo meel wanaagsan.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa waxuu tilmaamay inta badan qodobada Shirka Madasha in la isaga soo dhawaaday, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay soo gaba gabeynta Shirkaasi.
Waxuu qeexay in Ciida kadib Madaxda Dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ay isugu soo laaban doonaan Shirkaasi.
Sikastaba, Shirka Madasha Wadatashiga oo looga hadlayay arimaha Doorashooyinka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxuu ka socday Magaalada Muqdisho.