Muqdisho(INO)- General C/laahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxaa uu soo saaray Wareegto lagu adkeynaayo ammaanka Magaalada Muqdisho, maalmaha ina soo aadan.
Wareegtadan, ayaa ku socota Ciidamada Qalabka Sida, shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay, Wasiirka Amniga, Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaana lagu argeliyay in ciidan aan ahayn kuwa nabadgelyada ka shaqaynaya lagu karin Magaalada Muqdisho, illaa iyo inta laga afjaraayo Shirka Madaxda Wadamada Igad.
Wareegtada, ayaa lagu yiri “Waxaa la idinku wargelinayaa laga bilaabo Sept. 11, 2016 aanan lagu arki karin Magaalada Muqdisho dhexdeeda askari hubeysan, oo aan ka mid ahayn hay’adaha amniga loo xilsaaray.”
“Sidoo kale waxaa dhammaan ciidamada shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay lagu wargelinayaa inaysan wax dhaqdhaqaaq ah ka dhex samayn karin Caasimadda laga bilaabo Sept. 11, 2016 illaa Shirka Madaxda Wadamada Igad uu ka soo afjaraayo.
“Cidii mudadaas gudaheeda lagu arko Caasimadda dhexdeeda waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharciga waafaqsan.”
General Gaafow oo Wareegtada ku saxiixnaa, ayaa dhinacyadaasi ka dhawraaya in ay ilaaliyaan, isla-markaana ay ixtiraamaan awaamiirta lagu xoojinayo ammaanka Caasimadda.
Maalinta Talaadada oo taariikhdu ay ku beegan tahay 13-ka bishan September, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Igad.