Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,Batuulo Sheikh Axmed Gabale ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya inuu booqasho ku tago xilliyada habeenkii ah dhamaan degmooyinka kala duwan ee dalka si shacabka ay u dareemaan hogaaminta rasmiga iyo inay leeyihiin madax u damqata dhibta ay qabaan.
Waxay sheegtay Batuulo in Xasan Sheikh Maxamuud looga baahan yahay inuu dhex galo Shacabka, mid midna u ogaado baahiyaha kala duwan ee Shacabkiisa ay tabanayaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya ayaa talaabadaan hadii uu ku dhaqaaqo madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaantay inay meesha ka saareyso naceybka iyo far ku taaga Shacabka Soomaaliyeed ay isku hayaan,waxayna ka codsaday madaxweynaha dalka in arintaasi uusan ka seexan.
Mrs Batuulo Sheikh Axmed Gabale ayaa hadalkeeda intaasi ku dartay in wax badan oo hormar laga filayay dib loo dhacay,islamarkaana loo baahan yahay in laga soo kabto, si ay u suurta gashana arintaasi Shacabka Soomaaliyeed u qumaan inay quluubta isku furaan.
Idale News Online, Muqdisho.