Dhageyso: Prof.Jawaari oo maamul goboleedyada ka dalbaday in la soo de-dejiyo dhismaha Baarlamaanka

0
189

Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari oo ka hadlayay kulamada magaalada Muqdisho uga socda hogaamiyaasha qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa sheegay inay muhiim u tahay aasayaha siyaasadeed ee dalka.isagoona maamul goboleedyada ugu baaqay inay soo de-dejiyaan dhismaha xubnaha Baarlamaanada maamul kasta uu yeelanayo. 

Wuxuu Mr Jawaari in maamul goboleedyada aan Baarlamaan la ahayn ay ka mid yihiin Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya,loona baahan yahay inay ku dhaqsadaan sidii xubnaha Baarlamaanka loo soo dhisi lahaa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arintaan micneeyay inay sahleyso sidii maamul kasta horay ugu dhaq dhaqaaqi lahaa arimaha horyaala ee wax ka qabadka u baahan sida ogaanshaha baahiyaha dadweynaha ay qabaan iyo sidii diirada loo saari lahaa wax ka qabashadooda.

Halkan Ka Dhageyso.

 Maamul goboleedka Jubba ayaa hada ku howlan siduu u soo dhisi lahaa Baarlamaanka ku qanacsan yihiin Shacabka Jubbooyinka waxaana dhawaan Kismaayo ka furmay shir arimahaasi loogu gogol xaarayo.


Sidoo kale,maamulka Koonfur Galbeed uu madaxda ka yahay Shariif Xasan Sheikh oo dhawaan la doortay ayaa isagana la tashiyo ka wada dhismaha xubno Baarlamaan oo loo dhan yahay.

Maamulka Puntland ayaa hada ah maamulka kaliya ee dalka ka jira ee leh maamul dhameystiran yahay Baarlamaanka. 

Idale News Online, Muqdisho.