Galkacyo(INO)-Wararka aanu ka heleyno magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Tilmaamaya in ay halkaas uu xiligaan ka socdo banaanbax loogu soo horjeedo shirka ka soconaayo maalintii labaad magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay madaxda dowlada iyo madaxda maamulka Goboleedyada dalka jira.
Magaalada Galkacyo dadka ku sugan oo aynu la xiriirinay ayaa inoo sheegay in dadkii ugu badnaa ay manta iskugu soo baxeyn magaalada kuwasoo diidan shirka magaalada Muqdisho ka socda.
Madaxda maamulka Goboleedyada dalka ka jira qaar kamid sida Puntland, koonfur galbeed soomaliya iyo Jubbaland ayaa soo gaaray magaalada caasimda Muqdisho kuwasoo dowlada kala talinaayo dorashooyinka ka dhacaayo dalka sanadka 2016.
Laakin Maamulka qaar ee dalka Ka jira sida Galmudug iyo xibin iyo xeeb oo shirkaan loogu wicin ayaa sheegay in ay ay ka soo horjeedaan shirka ka socda magaalada Muqdisho
Si kastaba ha ahaatee, Cabdi xasan cawaale Qebdiid oo ah madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ka so horjeedaan shirka magaalada Muqdisho ka socda sida uu u qornaa warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug.
Ugu dambeyntii Madaxweyanha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Shalay BBC-da u sheegay in uusan Maamulkiisu Aqoonsan doonin wixii kasoo Baxa, isla Markaana Madaxweyanaha ku Eedeeyay in uu Jebiyay Qodob Dastuuri ah oo Dalka u Yaalla.
Idale News Online,Galkacyo.