Dhageyso:Xildhibaan Sheegay In Maamulada Loo Dhisayo Gobalada Dalka Ay Keeni Karaan Isku Dhac Shacabka Dhexdiisa Ah

0
174

Muqdisho9(INO)-Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maamulada loo dhisayo gobalada dalka in ay keeni karto isku dhac dhanka shacabka ah iyo sidoo kale in dadkii lasii kala gooyo.

Xildhibaano

Xildhibaan Cabdulaahi Gees ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay dalka oo dhan in la’isku keeno, Soomaalidana ay yihiin dad wada dhashay, hogaanka dowladana laga doonayo in ay dalka mideeyaan.

Halkan Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdulaahi Geesey.

“Waxaa la rabaa dalka Soomaaliya in la’isku keeno, nin walba oo hogaanka qabto waa inuu ku taamaa inuu ka shaqeynayo Soomaaliya oo dhan, waxyaabaha hadda la sameynayo ma ahan wax ay ku jirto danta Soomaaliya, waxaan ka mid ahay dadka kasoo horjeeda maamul gobaleedya, Federaalka iyo Xuduudaha ayaan, uljeedka aan uga soo horjeedo waxay tahay Soodimaha waxbaa ka dambeeya, dad wada dhashay baan nahay, dad gabigood walaalo ah ayaan nahay, dhibaatooyinka naloo maleegay ayaa keentay in sidaan naloo qeybiyo” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu dambeyn ayuu xildhibaan Gees ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka ah in ay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya oo dhan la’isugu keeni lahaa, meeshana looga saari lahaa maamulo iyo kala qeybin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Soomaaliya dowladda hadda ka dhisan waa mid Federaal ah, waxaana dhawaan dhismay maamulo KMG ah, iyadoo lagu gudo jiro dhismaha maamulo kale.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here