Goof-gaduuud (INO) – Gudoomiyaha Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegay in Al-shabaab ay Halkaas ka Qafaasheen Dad Badan, kuwaa oo ay Madax Furasho ka Qaadanayaan sida uu Hadalka u dhigay.
Axmed Jadiid Guddoomiyaha Deegaanka Goof-gaduud oo Duleedka ka ah Magaalada Baydhabo ayaa Mustaqbal u sheegay in Al-shabaab dadka Marka ay qafaashaan in ay Reerahooda Wacayaan Madax Furashana ay Weydiisanayaan.
Cidda leh Xoolo Geel ah waxaa uu sheegay in laga qaadayo ilaa 10 Milyan oo Shilin, Halka Dadka Lo’da Lehna laga qaadayo ilaa 5 Milyan sida uu Hadalka u dhigay. Majiraan ilo Maamulka ka Madax Banaan oo Xaqiijinaya Arrintaas.
Halkan Ka Dhageyso Codka.
Idale News Online, Goof-Gaduud.