Garowe(INO)-Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Xasan Cismaan Aloore oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulkaasi ayaa ka warbixiyay hub uu sidey markab ku xirtay magaalada Berbera kaasi oo Maamulka Somaliland ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen baaritaana ay ku samaynayaan.
Wasiirka ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay soo ogaatay in markabkaasi uu urarnaa Maamulka Somaliland, waxa uuna beeniyay hadalkii Madaxda Somaliland ee ahaa in Markabkaasi si khaldan uu ugu soo xertay Magaalada Ber bera.
Halkan Ka Daawo.
Dhanka kale Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay in Markabkaasi uusan u socon Maamulka Puntland isla markaana aysan shaqo ku lahayn Maamulka Puntland Markabka ku soo xertay Magaalada Berbera.
Waxa uu tilmaamay in Markabkaasi siday hubka u u socday Maamulka Somaliland isla markaana Maamulka Somaliland uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.,sida uu hadalka u dhigay wasiirka amniga.
Madaxda Maamulka Somalil;and ayaa horay u sheegtay in ay baaritaano ku wadaan Markabkii hibka siday ee ku so xertay Magaalada Berbera isla markaana ay soo sheegi doonaan Masuuliyada cida leh iyo halka laga soo raray Markabkaasi.
Idale News Online, Garowe.