Muqdisho(INO)-Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Raysal Wasaaraha ugu baaqay inuu Kasbado Kalsoonida Baarlamaanka isla markaana la tashiyo iyo Xiriir dhaw la sameeyo.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Ra’isal Wasaaraha looga baahan yahay inuu Baarlamaanka horyimaado isla markaana u sharaxo caqabadaha heysto si uu dib ugu helo Kalsoonida Baarlamaanka.
Hadalkaan ayuu Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur ka sheegay ka dib markii uu ka qeyb galay Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Idaacada Dowlada.
Waxaa wali muran uu ka taagan yahay goorta rasmiga ee Baarlamaanka la horgeynayo xukuumada cusub.
Waxaana xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay dalbanayaan in maalinta berito oo sabti ah wasiirada cusub la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.