Dhageyso: Ergo ka badan 100 qof oo shirka Baidoa ka socda ku tilaamey shirqool siyaasadeed oo u adeegaaya dan shaqsiyeed

0
172

Qaar ka mid ah ergada shirkada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia oo haatan shirkoodu ka socdo magaalada Baidoa xarunta gobolka Bay ayaa dowlada federaalka ka codsadey in dib loogu soo celiyo halkii ay ka yimaadeen. waxayna ergadaaasi si aad ah u dhaliileen qaabka uu shirka u socda iyo in aan waxba laga weydiinin howsha halkaas ka socota.

Shirka waa mid hareer marsan go’aankii Ra’iisul Wasaaraha ka qaatey bishaan November 1deeda oo ahaa in la hakiyo, hase ahaatee dan gaar ah wadata ayaa shirka la wareegay mana yeeleyno ayuu yiri mid ka mid ahaa ergadii shirka oo gobolka Sh/hoose ka yimid.

shirka-baydhabo-5

Shirka ka socda Baydhabo ayaa waxaa hogaanka u haayo saaxiibo iyo wasiiro ay gacan saar leeyihiin xildh Shariif Xasan Sheikh Aadan oo isagu gacan saar siyaasadeed oo dhow la leh Madaxweyne Xasan Sheikh oo isaga daba ka riixaaya in aan loo hogaansamin amarka Ra’iisul wasaaraha soo saartey ee lagu hakinaayo shirka iyo ayidaadii xigey ee gudoomiyaha barlamaanka oo xiligaas ahaa ku simaha madaxweynahaa ayiday qoraalkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in shirkaasi la hakiyo inta laga saxaayo khaladaadka jira.