Madaxda Dowladda oo kulamo Goono gooni ah la yeeshay Wafdi maraykan ah

0
183

Ergayga Gaarka ah ee Dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James McAnulty ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu meel sare gaaray.

American-Flag

Wafdigan Maraykanka ah ayaa garoonka diyaaradaha kula kulmay madaxda u sarraysa dawladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, iyo Af-hayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulamadan ayaa ahaa kuwo taxane ah ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay si kala gaar gaar ula kulmeen Wafdi ka socday Mareykanka oo uu horkacayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty ayaa ahaa kuwo ay adkeyd in xogo laga helo, maadaama ay albaabada u xirnaayeen.

Ilaa hadda ma cadda waxyaabaha looga hadllay shirkaasi, hase yeeshee wafdiagn ayaa la sheegay inay ka doonayaan madaxda dawladda in xiisadda la qaboojiyo oo ay midnimo muujiyaan.

Sahal News, New York