Wafdi ka socda dowlada Mareykanka ayaa ku sugan garoonka diyaarada magaalada Muqdisho, halkaas ay kulamo kula leeyihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyadoo halkaan u yimid xalinka khilaafka dheeraadey ee labadaaas masuul iyo sidoo kale dhinacyadu ku qasabaan in ay ogolaadaan baaqa ka soo yeeraaya dowlada daneeya arrimaha Somalia iyo in aysan meesha ka saarin dadaalkii ay wadeen sanooyinkii uGu dambeeyeye. Waxaana beesha caalamku cadaadis ku saareysaa Madaxweynaha inuu ogolaado isku shaandheyntii uu Ra’iisul Wasaaruhu sameeyey iyo barnaamijka xukuumadiisa ee ku aadan higsiga 2016 oo ah halka uu khilaafka masuuliyiintaas uu asalka ku leeyahay.
Maalmo khilaaf ah oo aysan indhahooda isjecleyn Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sh Mohamud iyo Raysalwasaarahaa Soomaaliya Abdiwali Sh Axmed ayaa goor dhaw layskugu geeyey garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ilaa galabta uu ka socdey shir adag oo ay leeyihiin daneeyaasha Arrimaha Soomaaliya iyo Madaxda dawladda.
Wakiilka Mareykanka uqaabilsan Soomaaliya oo jooga garoonka diyaaradaha caasumada Soomaaliya, ayaa labada masuul usheegay waxa ay aaminsan tahay dawladda Mareykanku iyo doorkeeda Soomaaliya.
Madaxweynaha dawladda Soomaaliya oo markii hore uu si gar ah ula kulmay Danjiraha Mareykanku, ayaan la ogeyn waxa rasmiga ah ee ay ka wada hadleen, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay Beesha Caalamku ku cadaadinayso Madaxweyne Xasan taageerida isku shaandheyntii Xukuumada Soomaaliya.
RW ayaa galabnimadan dhaw ku biiray wada hadalada gaarka ah, iyadoo aan la ogeyn waxa ay dhinacyadu sida rasmiga ah iskula meel dhigayaan, hadana ma jiran horumar weyn oo laga gaaray ilaa hada wada hadalada socda.
Ka hor shirka Ergayga Mareykanka, saaka oo dhan waxaa jiray kulamo usocday QM, Midowga Yurub, IGAD iyo AU oo ay la lahaayeen Madaxda dawladda Soomaaliya.
Idale News Online, Mogadishu