Sawiro: Kulan looga hadlayay sinaanta bulshada oo uu ka qeybgalay safiirka Soomaaliya u jooga USA oo lagu qabay Virginia.

0
178

Virginia (INO) – Kulankan oo ay soo abaabuleen ururka Somali Siman oo ah urur u ololeeya arimaha Bulshada kana dhacay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka soo qeybglay qeybaha bulshada, siyaasiyiin, iyo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Axmed Cise Cawad

IMG_9196 IMG_9256 IMG_9261 IMG_9287 IMG_9290 IMG_9306 IMG_9351 IMG_9364 IMG_9437 IMG_9438 IMG_9441 IMG_9444 Awad barlin casho fullcasho haykal IMG_9196 IMG_9211 IMG_9393 KusowDaughter mawel

Ahmiyada kulankan ayaa diirada lagu saaray in bulshada laga wacyi galiyo sidii bulshada looga ciribtiri lahaa arimaha kala sareysiinta, Quursiga iyo liidida oo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed lagu hayo.

Dr.Rashiid oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay meesha ayaa ka sheekeeyay marxalada ay ku suganyihiin dad badna oo Soomaali ah oo ku nool gudaha Soomaaliya kuwaas oo aaminsan in ay ka liitaan dadka kale taas oo sababtay in ay gaari waayeen Yoolka noloshooda, isla markaana aysan si furna u dhexgali karin bulshada inteeda kale, sida Guurka, Siyaasada, dhaqanka, iyo fursadaha kale oo aan badanaa loo ogolaan.

Safiirka dowlada Soomaaliya u jooga Washinton Axmed Ciise Cawad oo ka soo qeybgalay Kulankan ayaa dhankiisa ku dheeraadya in arimahan ay ku badanyihiin Caalamka lakin ay kala halis badanyihiin iyada oo Soomaaliya ay ka jirto wacyigalin la’aan la xariirta arimaha Quursiga.Waxa uu intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed aysan kala duwanayn kalana sareeyn karin isaga oo ugu baaqay bulshada in dadka walaalahooda ah ay u arkaan in iyaga oo kale ay yihiin oo aan marnaba la ilaabin in Soomaalidu isku Af, dhaqn iyo Midab tahay.

Proff. Cabdi M.Kusoow oo ah aas aasaha Somali Siman ayaa aad ugu dheeraaday halka ay hiigsanayaan iyo waxa Somali siman u taaganyihiin, isaga oo ka digay cawaaqib xumo bulsho in ay ka dhakan karto Bulshaqada la fuquuqo iyo in aysan jiri doonin bulsho Wanaag iyo Nabad ku wada Nool inta qeyb ka mid ah Bulshadaasi ay dhibanayaal yihiin.

Waxa Kusoow xusay in loo bahanyahay in arintaan loo qaato si dhab ah iyada oo la joogo xiligii la heli lahaa Umad ka siman Nolosha, Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Shaqada, iyo is dhexgalka Bulshada, taas oo horseedi doonta Soomaaliya quruxbadan.

Dr.Abukar Carmaan oo ah aqoonyahan siyaasi ah ayaa dhankiisa aad ugu dheeraaday Ahmiyada ay leedahay in loo hiiliyo ama la is garab taago qof dulman taas oo diin iyo dhaqanba lagu amaanay.

Carmaan oo ka sheekaynayay sida ay amuurahani Jahilnimo salka ugu hayaan ayaa dadka dhibanayaashaa ku tilmaamay kuwo Hiil iyo garab uga baahan walaalahood akale ee Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kale Maamulada iyo dowlada ka codsaday in hoos ay u fiiriyaan dadka xilku ka saaranyahay kuwaas oo aqiro la weydiin doono.

Dadka ka hadlay oo badnaa waxa ay ka sinaayeen sida loogu bahanyahay in la abuuro Kalsooni bulsho oo dag dag ah si dadka looga dhigo bulsho wax wada qabsankarta oo aan qaarkood laga dhigin kuwo hooy u noqda Xanuun, Murugo, Jahli, dhaqaalo xumo, iyo nolol la’aan ay kuwo la mid ahi ku samaynayaan.

Somali Siman oo soo abaabulay Kulankan waa urur u taagan sidii loo heli lahaa Bulsho ka fiyoo cudurka kala sareysiinta iyo Yasmada waxayna kulamo aad u badan ku qabteen meelo kala duwan iyaga oo fariintooda sii gaarsiin doona goobo kale.

Deeqo hire (SONNA)

Deeqosonna@gmail.com

 

Idale News ONline, Virgina, USA.