Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi, gaar ahaan ka soo horjeedka Hotelka Wardheere oo aanan sidaasi kaga fogeyn Saldhiga Degmada Waaberi.
Gaariga halkaasi ku qarxay ayaa la sheegay noociisa inuu yahay gaari SURF ah oo aanan la garaneyn cida iska leh iyo bartilmaameedka laga lahaa.
Wararka waxa ay sheegayaan in labo ruux ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.
Gaariga qarxay oo aad u holcaya ayaa goor dhaw waxaa halkaasi tagay gaadiidka Dab-damiska Maamulka Gobolka Banaadir oo ku howlan daminta Dabka ka dhashay qaraxa gaariga.
Ugu dambeyntii, Laamaha ammaanka Dowladda weli kama aysan qaraxaan ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.