Wasiiro dibad jog ahaa oo Cadan ku soo laabtay

0
162
Cadan(INO)Wasiiradii Xukuumadda Yeman ee dibadda u cararay ayaa la sheegayaa inay hadda ku soo laabteen magaalada Cadan oo iminka Xarun u ah Dawladda Madaxweynaha Yeman Abdi Rabbu Mansuur.

Ku soo laabashada Wasiiradan mgagaalada Cadan ayaa ku soo beegantay iyadoo R/wasaaraha dalkaasi Dr. Axmed Cubeyd uu isna soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay dalka Sudan.

Weli waxaa dalka Yeman ka maqan Wasiiru dibad jog ah kuwaa oo dalka ka baxsaday markii kooxda Xuutiyiinta ah ay dagaal ku qabsadeen Caasimadda Yeman ee Sanca taasoo ku kaliftay Madaxweynaha Yeman iyo Xukuumadiisa in ay dibad magangelyo u raadsadaan.

Madaxweynaha Yeman Abdi Rabbu Haadi ayaa hore  u sheegay inay Xukuumadiisu si dhaqsi ugu laaban doonto Casimadda Yeman ee Sanca oo weli ay haystaan Xuutiyiinta,lamana oga sida ay uga suurta galayo qorshahaasi.