Iyadoo Shaqaaqado Dhawaan Dhexmarey Ciidamadda Degaanka iyo Kuwo Booliska Degmadda Wanleweyen ayaa waxa arintaasi, soo dhex galiyey Xildhibaano iyo Masu’uuliyinta Gobolka Shabellaha Hoose.
Godoomiye Ku xigeen Dhank Maaliyadda Gobolka Shabellaha Hoose Md Cabdifataax xaaji Cabbulle ayaa u sheegey Shabakadda Idale News Online inay ku Guuleysteen Daminta Shaqaaqaasi ” Ugu dambeyntii waxaan ku guuleysaney inaan xalino, khilaaf kadhex jirey Ciidanka Booliska Ee Degmadda Wanle weyn iyo ciidanka deegaanka, khilaafkaasi ayaa sababey iska hor’imaad uu kudhintey nin walaalkiis oo askari ahaa soo salaamey, kadibna askarigii walaalkiis ladiley inta ciidan watey wuxuu soo qaatey Afar oo ay lahaayeen dadka deegaanka ,laakiin dib ayaan ugu celinay dadka deegaanka hubkood maadama ay ku ilaashadaan hantidooda” ayuu yiri Godoomiye Cabdi fataax Cabdulle.
si Kastaba ha ahaatee, waxaa inta badan ay dhacdaa,arimaha noocani ah ayadoona dowlada soomaaliya ay kantarooli weysey, hubka sharci daro ah ee dadka isu haysto.
Hoos ka Daawo Sawiradda