Ciidamadda Nabad sugida dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Sheekh Xasan Daahri Aways oo dhawaan kasoo goostay Kooxda Al-shabaab isla markaana iska soo dhibay Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Muran iyo dood ayaa dhex martay Gudigii Sheekh Xasan Daahir kasoo kaxeeyay Magaalada Cadaado, waxaana sidoo kale Jirdil iyo xabad loo gaystay qaar kamid ah ragii la socday Shekh Xasan Daahir Aways.
Gen Yuusuf Siyaad Indha-cadde oo kamid ah Ragii Cadaado kasoo kaxeyay Sheekh Xasan Dahir ayaa si kulul u eedeeyay Dowladda Federaalka ah.
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/06/wAR.mp3]Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanla Beelaha Hawiye ayaa isna sheegay in ay Filayeen dowladdu inay ku abaal mariso sida ay uga dhaadhiciyeen Sheekh Xasan Daahir in la keeno Muqdisho laakiin taas badalkeeda ay Jirdil iyo Aflagaado kala kulmeen.
Ugaas Beesha Cayr Cabdi Daahir oo isna hadlay ayaa sheegay in Dowladdu ay uga baxday balantii isla markaana ay samaysay waxyaabo aysan ka filanayn.
Idale News Online