Ciidamada Maamulka Jubaland oo saakey weerar kula jarmaadey Dalcada iyo Barre Hiiraale oo halkaasi isaga baxay

0
214

Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ayaa weerar culus ku qaadey waaberigii saakey Meesha lagu magacaabo Dalcada oo tirsan Xaafada Calanley gaar ahaan duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo uu xaley ku barey Barre iyo Ciidan uu watey oo dagaalkii shaley looga itaal roonaadey.

kismaayo

Col. Barre Hiiraale subaxnimadii hore ee saakey ka baxey halkaas isagoo aadey dhanka wadada aada Beerxaani waxaana weli la maqlayaa  rasaas ay weli ridayaan ciidamada Axmed Madoobe oo ciidamadoodu ay inta badan joogaan daafaha magaalada Kismaayo iyo gudaheeda.

Dagaalkii labadii maalmood la soo dhaafey ayaa geystay qasaaro aan la soo koobi karin oo naf iyo maalba leh iyadoo ay u sii dheer tahay in Magaalada Kismaayo aysan haysan xarumol caafimaad marka laga reebo Isbtibaalka weyn eee magaalada Kismaayo oo ay buux dhaafiyeen dadkii rayidka ahaa iyo dhinacyada kale ee dirirtu magaalada.

Tirada dadkii ku geeriyootey dagaalkii shaley ayaa kor u dhaafeyso 100 qof halka dhaawacuna la sheegay inuu yahay ku dhowaad 200 qof.  Magaalada Kismaayo inteeda kale ayaa saakey dagan marka laga reebo Meesha lagu magacaabo Dalcada oo maamulka Jubaland ay awood dheeri ah isugu geeyeen si ay u soo afjaraan dagaalka kaga imaanaaya qolyaha diidan maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.

Waxii warar ah oo dagaalada ka saabsan kala soco idale News Online