Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta markale ka dhacay dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamadda Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland iyo Ciidamo taabacsan Col Barre Hiiraale iyo qaar kamid ah raga sheegtay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State.
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/06/Afhayeenka-Ciidamadda-Jubbooyinka.mp3]Dagaalka maanta oo kii shalay ka duwanaa ayaa saaka wuxuu markale ka qarxay gudaha degmada Kismaayo, waxaana iskaga baxay Fariisimihii ay ku lahaayeen gudaha Magaalada Kismaayo Ciidamadii Barre Hiiraale iyo kuwi Madaxwaynayaasha kale.
Afhayeenka Cidamadda dowladda iyo kuwa Barre Hiiraale Xasan Kaafi Warsame oo gorodhow la hadlay Saadaal Media ayaa sheegay inay ka baxen gudaha dgemada Kismaayo saaka saacadu markii ay ahayd 9:10 daqiiqo ah xiliga geeska Africa isla markaana ay iminka ku suganyihiin Fariisimo ay ka samaysteen duleedka magaalada.
Waxaa uu sheegay in ay dhamaan Ragii kasoo horjeday Maamulka Axmed Madoobe iminka ay ku suganyihiin duleedka Magaalada, isgaoona xusay Ciidamadda Kenya iyo kuwa Raaskambooni oo is kaashanaya in ay u suuragashay gacan ku haynta magaalada in ay la wareegaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay ka bixitaankooda degmada Kismaayo inuusan ka dhignayn guul daro dhinacooda soo gaartay balse ay tahay Xeelad Millatari iyo in dadka shacabka ah laga daayo madaafiicda ay adeegsanayaan Ciidamadda Kenya sida uu hadalka u dhigay