Kismaayo(INO)-Beelaha Digil & Mirifle ee Maamulka Jubaland ku abtirsada ayaa sheegey in gabi ahaanba ay isaga baxeen shirka awood qeybsiga maamulkaasi, ka dib markii sida ay sheegeen lagula kacey cadaalad daro iyo tixgelin la’aan.
Sidoo kale halkaan hoose ka dhageyso Malaaq Laamo oo isaga cabashada Gobolka Gedo Beelaha Digil & Mirifle VOA uga waramaaya:
Afhayeeno u hadlay beelahaasi ayaa sheegay in wakiilada Urur goboleedka IGAD iyo Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe iyo ku xigeenadiisa C/hi Sheikh Ismaaciil Fartaag iyo Lugadheere ay ku eedeeyeen inay u xaglinaayaan danaha beelaha ay ka soo jeedaan oo kaliya, iyagoo dhinac kalena meel iska dhigay amaba iska inta tiray danaha guud ee maamulkaasi iyo in si cadaalada ah ugu dhaxeeyaan dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee ku wada nool 3da gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gobolka Gedo.
Wakiilada Hubeer iyo Geelidle oo deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbada Hoose ayaa saxaafada gudaha u sheegay in aysan ka qeyb aheyn dhismaha maamulka Jubaland ilaa inta laga helaayo masuuliyad wadareed ku dhisan is tixgelin iyo cadaalad.
Afhayeenadu waxay sidoo kale sheegeen in ay si aad ah ugu xun yihiin in xulista barlamaanka Jubaland aan lagu saleyn gobol, degmo iyo tuulo toona, isla markaasina sadbuursi iyo dano siyaasadeed lagu qeybsadey xubnaha 75ta xubnood ee maamulkaasi loo qoondeeyey, waxayna arrintaasina ku tilmaameen dulmi, sidaas darteedna waxay sheegeeen in aysan raali ka doqon doonin wax kastaa oo ku dhisan isir-sooc iyo kala qeybinta dadka walaalaha ah ee deegaanka Jubbada Hoose muddada dheer ku wada noolaa.
Waxa si gaar ah Afhayeenada Beelahaasi u hadley eeda dusha uGu tureen urur goboleedka IGAD oo faragelin toos ah ku haya arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaasa gacan siinaayo siyaasiyiinta ay u arkaan in danahooda ay fulinaayaa. Waxay dadka deegaanka Jubooyinka ugu baaqeen in xaqdaro lagu haayo walaalaha deegaanka la degan ka dhiidiiyaan, beesha caalamka u sheegayaan in ay dyaar u yihiin ay ku marti qaadaayaan dhamaan tuulooyinka ay beelahaasi ku leeyihiin gobolka Jubada Hoose
Sidoo kale, Malaaq Axmed Aadan Laamow oo u hadlay beesha Digil iyo Mirifle ee deegaan ahaan ka soo jeedo Gobolka Gedo ,ayaa sheegay in shirka ay isaga baxeen markii lagula kacay Cadalaad daro. Malaaq Laamow ayaa sheegay in Beeshiisa ay degaan inta badan Magaalooyinka Gobolka Gedo, sida Doloow, Baardheere, Garbahaarey iyo tuulooyin badan oo hoos yimaado Gobolka Gedo. Beesha Digil iyo Mirifle ayaa ku eedeysay Maamulka Jubaland, in ay Cadaalad daro iyo Dulmi ku hayaan Beeshooda.
Idale News Online, Kismaayo