Baydhabo(INO)-Iyadoo heer gaba gaba ah ay mareyso xulista baarlaamanka ayaa waxaa soo baxay sed bursi beelaha qaarkood ay kula kacayaan gelaha kale ee dega gobalada hoos yimaada Maamulaka.
odyaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle ee gobolada Jubooyinka ayaa dhaliiley, sida uu maamulka jubba u wada xulista baarlamanka maamulkaasi, isla markaana waxa ay sheegeen in Axmed Madoobe uu adeegsanayo Abooda Ciidamada Kenya isla markaana halkaa uu ka socod Dulmi iyo deegaameysi siyaasadeed ee Beesha Ogaaden.
Halkan Ka Dhageyso.
Malaaq Ibrahim Macalin Cali (IbraahimLeysaamow) Oo ka mid ah Malaaqyada Beesha Digil iyo Mirifle isla markaana Ka Soojeeda Gobolada Jubooyinka, ayaa maanta Shir Jaraa;id ku qabtey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, kaga hadley qaabka Maamulka Axmed madoobe u doodsanayo Xildhibaanada Degaanada Jubooyinka qeybta beesha Digil mirifle.
Malaaq Ibraahim Leysaamow aya sheegay in kuraastii deegaanadooda loo qaybiyey beelo kale oo aan degin halkaasi isla markaasina loo diiday inay ka hadlaan arintaasi.
Sidoo kale Malaaq Ibraahim Leysaamow ayaa waxay sheegaya in meesha ay ka jirto awood aan horay loo arkin taas oo beelaha qaarkood ay ku doonayaan inay ku badsadaan kuraasta Baarlamaanka.
Ugu damebyntii, Xilli Maanta Magaalada kismaayo uu gaarey wefig ka socodey Midowga yurub isla markaana qeyn ku sameynayey xalka uu mareyo xulista baarlamanka jubba.
Wafdiga Midawga Yurub ayaa waxaa banaanka Hoolka Shirka ku sugaya qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Beelaha,kuwaas oo doonaya in ay kala hadlaan xaalada Cakiran ee Maamulka Jubba uu doonayo in ku dhamaystiro dhismo baarlamaan oo khilaaf culus uu ka taagan yahay.
Halkan Ka Daawo.
Wariye Cali Ilyas Cabdilahi, Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.