Xildhibaan Xuseen Baantuu oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

0
217

Muqdisho(INO)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse (Xuseen Baantuu) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu gelinkii dambe ee maanta uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

xuseen-Bantu-

Xildhibaanka waxa uu ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaala Degmada Wadajir, iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay uu la tacaalayay xanuuno is biirsaday. Maalmihii ugu dambeeyay ayuuna xanuunkiisii kordhay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa caawa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse, isagoona xusay in maalmahaan dambe uu xanuunku ku kordhay.

Mar uu Xildhibaan Dalxa ka hadlaayay xanuunka ugu daran ee Xildhibaanka geeriyooday uu la tacaalayay, ayuu ku sheegay cudurka sonkorta/macaanka, lagana dareemayay billihii ugu dambeeyay.

Xildhibaan Xuseen Baantuu, ayaa muddo fog ku soo jiray Baarlamaanka Somaliya, wuxuuna la soo kowsaday Baarlamaankii lagu soo aas aasay dalka Jabuuti sanadkii 2000.

Xildhibaan Baantuu, ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka. Waxaana lagu xusuustaa in marar badan uu si kulul Warbaahinta kaga weeraray Maamulka Jubba, inkastoo markii dambe uu taageeray.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here