Muqdisho (INO) -Dagaal-yahanno hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Number 50 oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose,sida laga soo xigtay saraakiil ciidanka ka mid ah.
Weerarka kaddib dagaalka labo dhinac ah ayaa ka bilowday saldhigga ciidanka AMISOM kaaso la isku adegsaday hub dhawaq sare leh,sida ay sheegen dadka deegaanka.
Waxaa jira khasaaro weerarka ka dhashay oo aan ilaa hadda la ogeyn,laakin qof goob jooge ah ayaa sheegay inuu arkay meydadka labo ruux oo usan gareyneyn inay ka tirsan-yihiin al-Shabaab ama ciidamada AMISOM.
“Weerarka wuxuu bilowday saqdii dhexe ee xalay,waxaana ka warhelnay dagaal socda iyo hub dhawaq sare leh,”ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo inta ku darey “Waxaan arkey meydadka labo ruux meel ku dhow saldhigga ciidamada ma garon karo cida ay yihiin”.
AMISOM iyo al-Shabaab wax war ah wali kama soo bixin oo looga hadlayo weerarka xalay ka dhacay saldhigga deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellaha hoose.
Dhinaca kalana,wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay deegaanka lugu gaaracay madaafic,dadka deegaanka ayaana madaaficda ku eedeyay inay ka dambeeyaan al-Shabaab.
Waxaa ay ku baaqen odayaasha deegaanka oo la hadlayay warbaahinta in la joojiyo madaaficda lugu garaacayo deegaanka,iyadoo ay dhibaato ka soo gaareyso dadka shacabka ah,sida ay sheegen.
Toddobadyadii ugu dambeysay ayaa waxaa ka dhacayay deegaanno ka tirsan koonfurta dalka weerarro ay geysanayaan ururka al-Shabaab oo sidoo kale la wareegay gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Bakool,markii ay isaga baxeen ciidankii ku sugnaa.